Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya

19/04/2023 23 min Temporada 1 Episodio 24
Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya

Listen "Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya"

Episode Synopsis

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 68 boqolkiiba miisaaniyadda ($667 milyan) ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic ($496 milyan ama 50%) iyo kab miisaaniyadeed ($170 milyan ama 17%).  Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah $283 million, or 29 percent.26.6% miisaaniyada ayaa loo qorsheeyay gaarsiinta adeegga bulshada; 20% waxay ku bixi doontaa hay’adaha difaaca iyo amniga, halka 17% loo qoondeeyay hay’adaha horumarinta dhaqaalaha.Podcast-gan waxa ay Farxiya Maxamuud iyo Mahad Wasuge ku falanqeynayaan miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2023 ee amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarka dhaqaalaha. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

More episodes of the podcast Maamul Wanaag