Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya

23/07/2024 38 min Temporada 1 Episodio 39
Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya

Listen "Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya"

Episode Synopsis

1-dii Janaayo ee sanadkan, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa is-afgarad la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi. Inkastoo aanan la faafin nuqulka is-afgaradka la saxiixay, waxaa ugu muhiimsanaa in uu dhigayay in Itoobiya ay aqoonsaneyso Soomaaliland iyadoo taas beddelkeeda saldhig ciidan bad & 20 kiiloomitir oo dhul ah laga kireynayo Itoobiya muddo 50 sano ah.  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaallo badan gashay markii uu soo if-baxay is-afgaradka iyadoo ku guuleysatay in dalal badan & ururro dowli ah ay taageeraan madaxbannaanida Soomaaliya. Dadaallada la sameeyay waxaa kamid ah in la dhisay Guddiga Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya. Qeybtan 39-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Cabdiraxmaan Caynte oo ah Isuduwaha Guddiga Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya waxa ay ku gorfeynayaan dadaallada guddiga ee difaaca madax-bannaanida Soomaaliya.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!

More episodes of the podcast Maamul Wanaag